Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu magaalada Addis Ababa kaga qeyb galo Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxda gobolka iyo qaaradda Afrika ee shirka ka qeyb galaya.
Kulamadaas ayaa looga hadli doonaa arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga gobolka, iyo ka hortagga khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira qaaradda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu madaxda shirkaasi uga mahad-celiyo taageerada ay u muujiyeen Soomaaliya, isla markaana ku bogaadiyo adkaysiga mowqifka taariikhiga ah ee looga hortagay xadgudubyada sharci-darrada ah ee Israa’iil kula dhaqantay midnimada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlo qorsheyaasha Soomaaliya ee la xiriira horumarinta dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda.

Inkastoo ajandaha dhammeystiran ee booqashadiisa aan si rasmi ah loo shaacin, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu safarkiisa uga sii gudbo dalal kale oo gobolka ka tirsan, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho waxaa weli ku sugan mucaaradka siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo sugaya bilaabista wada-xaajood rasmi ah oo lala yeesho dowladda federaalka, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka.

Wadahadalladan ayaa muhiim u ah xasilinta siyaasadda dalka, gaar ahaan marka la eego qorsheyaasha doorashooyinka soo socda iyo habraaca cusub ee dastuurka, iyadoo la isku dayayo in la dhiso kalsooni siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee dalka.