Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga jawaabay war-saxaafadeed ay soo saareen mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga jawaabay war-saxaafadeed ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii xalay ka qeyb-galay xaflad sagootin ah oo loo sameeyay gudoomiyihii hore ee golaha shacabka, ahna hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si adag uga hadlay doodaha siyaasadeed ee ka taagan nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si gaar ah uga jawaabay warsaxaafadeed ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in dalka laga hirgeliyo wax ka baxsan doorasho qof iyo cod ah, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay u jihaysan tahay nidaam ku dhisan codbixin toos ah oo ay shacabka si toos ah u dooranayaan hoggaankooda.

“Dadka Soomaaliyeed qof aanay dooran ma xukumaayo, waqti ha isaga luminina, meesha ugu hoseeyso ee xukunka iyo kan ugu sareeyo intaba waxaa si xur ah kusoo dooranayo dadka shacabka ah” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tusaale u soo qaatay doorashooyinkii ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo lagu soo doortay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

“Sheekh Aadan Madoobe waxaa soo doortay golaha wakiiladda ee Koonfur Galbeed, sidoo kale, golaha wakiiladda iyagane waxaa soo doortay shacabka Koonfur Galbeed, iyagoo ka wakiil shacabka ayay iyagane hoggaanka ku doorteen” Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay sii xoogeysanayeen doodaha ku saabsan qaabka doorasho ee laga qaban doono Soomaaliya, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay kala wataan aragtiyo isdiidan oo la xiriira mustaqbalka nidaamka iyo hannaanka doorasho ee dalka.