Dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle oo bilaabay dhex-dhexaadinta beelo dhawaan ku dagaalamay Jalalaqsi

Dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle oo bilaabay dhex-dhexaadinta beelo dhawaan ku dagaalamay Jalalaqsi

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), iyo xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Jalalaqsi ka bilaabay dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo beelo dhawaan ku dagaalamay degmadaasi, si loo soo afjaro colaaddii maalmihii lasoo dhaafay halkaas ka taagneyd.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Jalalaqsi, mas’uuliyiinta wada-hadallada wada ayaa ku guuleystay talaabooyinka ugu horreeya ee lagu dejinayo xaaladda, iyadoo la kala qaaday maleeshiyaadkii iska hor yimid, isla markaana la hakiyay dagaaladii sababay khasaaraha iyo barakaca shacabka.

Dadaaladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan in xal nabadeed laga gaaro colaadaha soo noqnoqda ee saameeya bulshada ku dhaqan deegaannada gobolka Hiiraan, kuwaas oo marar badan sababa dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay, baraha bulshada iyo warbaahinta madaxa-bannaan si weyn u qabsaday muuqaalo laga soo duubay deegaannada ay colaaddu saameysay, kuwaas oo muujinayay saameynta bani’aadannimo ee ka dhalatay dagaallada.

Sawirrada iyo muuqaallada la baahiyay ayaa muujinayay guryo burburay iyo qoysas ay colaaddu saameysay, taasoo walaac weyn ka dhalisay bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta ku howlan dhex-dhexaadinta ayaa la filayaa inay kulamo dheeraad ah la yeeshaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhinacyada ay colaaddu dhex martay, si loo gaaro heshiis waara oo horseeda nabad iyo xasillooni laga hirgeliyo degmada Jalalaqsi iyo deegaannada ku xeeran.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ayaa dhowr jeer ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka bulshada lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, si looga fogaado colaado sababa khasaaro naf iyo maalba leh.