Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Turkiga oo kusoo xirtay dekeda Muqdisho

Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Turkiga oo kusoo xirtay dekedda Muqdisho

Wasiiru dowlaha gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay maraakiib dagaal oo ay leeyihiin ciidanka badda Turkiga, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Soo dhaweynta maraakiibtan dagaal ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay xoogga saarayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta ciidanka badda iyo difaaca xeebaha, si loo xoojiyo amniga badda, loona ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Xafladda soo dhaweynta waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan labada dal, oo ay ku jiraan wasiiru-dowlaha dekedaha iyo gaadiidka badda, kaaliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha, iyo safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Dhinaca kale, saraakiisha ka howlgala dekedda Muqdisho ayaa sheegay in markab sahmin iyo qodid shidaal ah uu sidoo kale kusoo xirtay dekedda Muqdisho, isagoo ay wehlinayso markab kale oo u xilsaaran ilaalinta amniga.

Hawlaha qodista shidaalka ayaa la filayaa inay bilaabmaan bilaha soo socda, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta amniga goobaha sahminta.

Turkiga ayaa adeegsanaya diyaarado duuliye leh iyo kuwo aan duuliye lahayn, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay ilaalinta xeebaha iyo goobaha sahminta shidaalka.

Si kastaba ha ahaatee, tani waxay muujinaysaa sida iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeysanayo, iyadoo la horumarinayo awooda ciidanka badda Soomaaliyeed iyo sugidda amniga guud ee biyaha dalka.