Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay dhoolatuska ciidanka Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay dhoolatuska ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Gaashaandhigga Masar Jeneraal Abdul Majeed Saqr ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday xero milatari oo ku taalla Masar, halkaas oo lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada Masar oo loo diyaariyay inay ku biiraan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Ciidamadan ayaa la filayaa in dhawaan loo soo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan xoojinta amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sida qorshuhu yahay, waxaa ciidankaasi la dejin doonaa inta u dhexeysa Balcad iyo Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe, halkaas oo ay kala wareegi doonaan masuuliyadda ciidamada Burundi.

Howlgalka AUSSOM ayaa si rasmi ah u beddelay ATMIS, wuxuuna diiradda saaraya taageerada amniga inta lagu jiro marxaladda kala guurka, iyadoo si dhow loola shaqeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay dhoolatuska ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa wejiga cusub ee xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga.

Sanadkii 2024 ayay labada dal kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ballaaran, kaas oo dhigaya in la xoojiyo wada-shaqeynta milatari, is-weydaarsiga xogta amniga, tababarrada ciidamada, iyo kor u qaadista tayada iyo qalabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Masar ayaa ballanqaadday inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay dhoolatuska ciidamada Masar ee loo soo dirayo Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, taageeradan Masar, waxaa ka mid ah bixinta tababaro milatari oo kor loogu qaadayo xirfadaha iyo aqoonta askarta Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood iyo karti ay si madax-bannaan ugu maareeyaan amniga dalka.