Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo horey ay ugu riday labo eedeysane oo lagu helay falal dil ah, kuwaas oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
Labada nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa kala ahaa Cabdi C/qaadir Maxamed, oo afgarasho u ahaa Xuseen, iyo Farxaan Maxamuud C/nuur Aadan, oo sidoo kale loo yaqaanay Xasan.
Maxkamadda Ciidamada ayaa ku caddaysay in labadaas eedeysane ay ku lug lahaayeen dilalka afar muwaadin oo rayid ah, kuwaas oo lagu dilay magaalada Muqdisho.
Kadib baaritaan dheer iyo dhageysi dacwadeed oo waqti qaatay, ayay maxkamadda ciidamada ku heshay labada xukunsane dambiyada loo haystay, kuwaas oo isugu jiray daadinta dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Falalkaas ayaa maxkamadda ku tilmaantay kuwo si bareer ah oo bilaa micno ah loo geystay, islamarkaana lid ku ah shareecada Islaamka, sharciga dalka iyo bani’aadannimada.
Iyadoo la tixraacayo caddeymaha la hor keenay maxkamadda, ayaa labada eedeysane lagu xukumay dil toogasho ah, xukunkaas oo saaka lagu fuliyay fagaaraha toogashada ee magaalada Muqdisho.
Fulinta xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida, saraakiil ciidan, iyo xubno kale oo sharci fulin ah, si loo hubiyo in xukunka uu u dhacay si waafaqsan sharciga iyo habraacyada maxkamadeed.
Ugu dambeyntii, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in fulinta xukunkan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda, laguna ciribtirayo falalka dilalka iyo argagixisada ay kooxda Khawaarijta ka geysanayaan caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.