Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe (Bidix) iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni (Midig)
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe (Bidix) iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni (Midig)

Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Saciid C/laahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan shir heer qaran ah oo berri u furmaya madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirkan, oo horey loo sii qorsheeyay, ayaa lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan dhammaan madaxda lagu casuumay, waxaana si gaar ah diiradda loo saari doonaa arrimaha siyaasadda dalka, xaaladda amniga, iyo geeddi-socodka doorashooyinka, kuwaas oo haatan ah qodobbo xasaasi ah oo ay si weyn u daneynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in wafdi hordhac ah, oo ka kooban ciidamada ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ay saaka kasoo degayaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si ay u diyaariyaan amniga iyo soo dhaweynta wafdiyada rasmiga ah.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay gelinka dambe ee maanta si rasmi ah u soo gaaraan Muqdisho, halkaas oo ay kulammo gaar gaar ah la yeelan doonaan madaxda Dowladda Federaalka ka hor inta uusan si rasmi ah u furmin shirka berri.

Socdaalladan ayaa imaanaya kaddib markii xal laga gaaray khilaaf siyaasadeed oo dhawaan ka dhashay dib u celintii wufuud ka socday Puntland iyo Jubaland, arrintaas oo keentay xiisad siyaasadeed.

Khilaafkaas ayaa lagu xalliyay dhexdhexaadin ay sameeyeen wakiillo ka socday Beesha Caalamka, taasoo horseeday in dib loo soo celiyo wada-hadallada iyo kalsoonidii u dhaxeysay dhinacyada.

Si kastaba ha ahaatee, Imaanshaha madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo dhanka midnimada siyaasadeed iyo xasilloonida dalka, iyadoo indhaha shacabka Soomaaliyeed ay ku sii jeedaan natiijooyinka kasoo bixi doona shirka la filayo inuu berri furmo.