Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso go’aanka ay ku ogolaadeen Isbahaysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo ogolaaday inay ka qeyb galayaan shir wadatashi qaran oo ay ku baaqday dowladda federaalka Soomaaliya.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay in arrintaan ay tahay tallaabo muujinaysa diyaar u ahaansho siyaasadeed iyo fursad lagu yareyn karo kala fogaanshaha u dhexeeya dhinacyada is haya.
Shirka, oo lagu wado inuu furmo 1-da bisha soo socota ayaa ka dhici doonna magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, wuxuuna uljeedkiisu yahay in lagu falanqeeyo arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo geeddi-socodka dastuuriga ah ee dalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin madaxda Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta madasha mucaaradka, ayaa horey si weyn uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan nidaamka doorashada “hal qof, hal cod” oo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn.
Inkastoo ay aqbaleen ka qeyb-galka shirka, goluhu wuxuu caddeeyay inay muhiim tahay in la joojiyo wax-ka-bedelida lagu sameynayo dastuurka KMG ah ee 2012, si loo xaqiijiyo in wada-hadalladu noqdaan kuwo miro dhal ah oo lagu dhiso is-afgarad ballaaran.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin inay aqbashay shuruudaha ay soo bandhigeen mucaaradka, balse arrintaan ayaa noqon karta fursad ay ku kulmaan dhammaan dhinacyada siyaasadda si xal wadajir ah loogu helo khilaafaadka labada dhinac.