Dowladda Soomaaliya oo dib u celisay raashiinkii laga qaaday bakhaarka WFP ee Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo dib u celisay raashiinkii laga qaaday bakhaarka WFP ee Muqdisho
Dowladda Soomaaliya oo dib u celisay raashiinkii laga qaaday bakhaarka WFP ee Muqdisho

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib loo celiyay raashiinkii gar-gaarka ahaa ee laga soo qaaday bakhaarkii Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee ku yaallay magaalada Muqdisho.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in badeecadihii laga saaray bakhaarka ee ay saameeyeen hawlaha ballaarinta dekedda, sida lagu xusay warbixinno dhawaan la faafiyay, si buuxda dib loogu celiyay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP)” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladdu ay si buuxdo u qaadanayso mas’uuliyadda wax ka qabashada dhacdadaan, islamarkaana ka xuntahay, ayna WFP siisay bakhaar cusub oo ka weyn kii hore, si loo hubiyo in howlaha gargaarka bani’aadannimo ay si ammaan ah oo aan kala go’ lahayn u socdaan.

“Dawladda Federaalka waxay si buuxda u qaadanaysaa mas’uuliyadda wax ka qabashada xaaladdan nasiib-darrada ah, waxayna muujinaysaa ka xumaansho ku aaddan in arrintani dhacday, si loo hubiyo sii socoshada, amniga, iyo gaarsiinta aan kala go’a lahayn ee gargaarka bani’aadannimo, dawladdu waxay siisay Hay’adda Cunnada Adduunka bakhaar ka weyn oo ku habboon kan hore, kuna yaalla aagga dekedda Muqdisho, taas oo taageeraysa kor u qaadista awoodda kaydinta iyo hufnaanta qaybinta” Sidaas waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka.” Sidaas waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa sheegtay inay ka go’an tahay mabaadi’da bani’aadannimo, hufnaanta, iyo isla xisaabtan, islamarkaana qiimeynayso iskaashiga dhaw ay la leedahay WFP, Dowladda Mareykanka, iyo beesha deeq-bixiyeyaasha.

Ugu dambeyntii, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ballan ku qaaday inay qaadeyso tallaabooyin lagu xoojinayo isku-duwidda iyo isgaarsiinta, si looga hortago dhibaatooyin la mid ah mustaqbalka, islamarkaana kor u qaadaysa awoodda kaydinta iyo hufnaanta qaybinta.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa qaadaysaa tallabooyin ku salaysan mabaadi’da bani’aadannimo, daah-furnaanta, iyo isla-xisaabtanka, waxayna qiimeynaysaa iskaashiga dhow ee ay la leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka, Maraykanka, iyo guud ahaan beesha caalamka ee deeq-bixiyeyaasha” Ayaa war-saxaafadeeka lagu soo gaba-gabeeyay.