Mucaaradka oo bilaabay kulamo la xiriira sidii loo maareyn lahaa banaanbaxyada

Kulan siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo iyo wada-tashiyo la xiriira sidii loo maareyn lahaa banaanbaxyada la qorsheeyay inay maalinta berri ka dhacaan qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulamada siyaasiyiinta mucaaradka oo maalmihii u dambeeyay si joogto ah uga socday magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah abaabullada ugu dambeeya ee lagu diyaarinayo banaanbaxyadaasi, kuwaasi oo ay mucaaradku ku muujinayaan cabashooyinka la xiriira barakicinta shacabka iyo boobka dhulalka danta guud ee caasimadda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa warbaahinta u sheegay inay garab taagan yihiin shacabka laga saaray guryahooda, iyagoo xusay in aysan hakad gelin doonin dadaallada ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen boobka hantida danta guud iyo ku takrifalka awoodda dowladda.

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in banaanbaxyada la qorsheynayo ay noqon doonaan kuwo nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan dareenkooda iyo cabashooyinka ay ka qabaan xaaladda taagan.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaaday feejignaanta amniga ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka lagu arkayo waddooyinka muhiimka ah, xarumaha dowladda iyo goobaha laga cabsi qabo inay saameyn ku yeeshaan bannaanbaxyada la qorsheeyay.

Ugu dambeyn, hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka ayaa la sheegay inay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyada lagu sugayo amniga Muqdisho, si looga hortago qalalaase iyo rabshado ka dhasha xiisadaha siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.