Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi Cumar Muumin, ayaa sheegay inay si weyn u adkeeyeen ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo digniin adag u diray kooxaha abaabulaya banaanbaxyada iyo cid kasta oo lagu tuhmo falal keeni kara qalalaase amni.
Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay shir amni oo ka dhacay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga caasimadda iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee maalmihii lasoo dhaafay magaalada ka jiray.
Macallin Mahdi ayaa sheegay in hay’adaha ammaanku ay diyaar u yihiin ka hortagga rabshado iyo falal amni-darro oo ka dhasha banaanbaxyada la qorsheynayo inay maalinta berri ah ka dhacaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Macallin Mahdi ayaa fariin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka iyo kooxaha abaabulaya isu-soo-baxyada, isagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo hurinta rabshado ama falal lid ku ah amniga guud ee caasimadda.
Ugu dambeyn, Macallin Mahdi ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara xaalado amni-darro iyo isku dhacyo siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, digniintan kasoo baxday Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi Cumar Muumin, ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo qorsheynaya banaanbaxyo waaweyn oo la filayo inay maalinta berri ka dhacaan Muqdisho.