Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa gashay marxalad cusub kaddib markii la helay warar muujinaya in wadahadallo isdaba joog ah ay suurto geliyeen isfaham horudhac ah oo ku aaddan goobta shirka wadatashiga qaran lagu qaban doonno.
Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu xalay kulamo gaar ah la yeeshay madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku sugnaa caasimadda Muqdisho.
Kulamadaasi ayaa la tilmaamay inay ahaayeen kuwo xasaasi ah, isla markaana diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in kulamadaas lagu gorfeeyay arrimo la xiriira goobta iyo ajendaha shirka la doonayo in uu dhex maro madaxda sare ee dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Waxaa la sheegaya in madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland lagu qanciyay in shirka wadatashi qaran lagu qabto xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, si xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
Shirka la filayo inuu qabsoomo ayaa la sheegay in uu xoogga saarayo xal u helidda murannada siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka iyo isbeddellada lagu sameeyay dastuurka kumeelgaarka ah, kuwaas oo sababay walaac iyo diidmo ballaaran oo ka timid dhinacyada mucaaradka.
Dowladda federaalka ayaa lagu warramay inay muujisay dabacsanaan iyo diyaar garow siyaasadeed, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo is-afgarad guud oo lagu xaqiijin karo xasillooni siyaasadeed, isla markaana dib loogu soo celiyo wada-shaqeyn dhow oo u dhaxeeysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, si looga fogaado sii xumaanshaha khilaafaadka taagan.