Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan gobollada ay saameynta abaartu aad u weyn tahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale hambalyo gaar ah u diray ciidamada qalabka sida, isaga oo ku ammaanay naf-hurnimada iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca dalka, sugidda amniga, iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isla markaana ay mudnaan gaar ah siinayso dib-u-soo celinta dhalinyarada la marin-habaabiyay, si ay uga qeyb qaataan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaaliyaan danta guud, xoojiyaan midnimada iyo wadajirka, isla markaana ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Si kastaba ha ahaatee, Baaqan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu dhiirri-gelinayo xoojinta amniga, midnimada iyo wadajirka bulshada, si loo gaaro horumar waara.