Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aankii ay golaha wasiiradda Soomaaliya shalay ku joojisay dhammaan heshiisyadii ay dowladda federaalka Soomaaliya hore ula gashay Imaaraadka Carabta.
War-saxaafadeed uu soo saaray mudane Farmaajo ayuu ku sheegay inuu soo dhaweynayo go’aamadaasi islamarkaana ku baaqay in si wadajir ah loo difaaco sharafta iyo midnimadda Soomaaliya.
“Waxaan soo dhaweynayaa go’aammada ku saabsan illaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee maanta ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay waajib ugu leeyihiin dalalka aan la wadaagno iskaashiyada iyo xiriirka saaxiibtinimo inay dhowraan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, laguna saleeyo xiriirrada labo geesoodka ah danaha wadajirka ah si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.” Ayuu Mudane Farmaajo ku yiri war-saxaafadeedka
Dhinaca kale, mudane Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inuu adkeeyo illaalinta midnimadda shacabka Soomaaliya, islamarkaana uu mudnaanta siiyo xal u helidda arrimaha ku gedaaman dowladnimada oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashooyinka.
“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa waxaan ugu yeeraynaa in ay adkeeyaan midnimada Shacabka Soomaaliyeed, mudnaantana la siiyo, wakhtigan xasaasiga ah, xal u helidda arrimaha ku gedaaman dowladnimada oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay oo wakhtigooda ku dhaca, ka laabashada go’aammada halka dhinac ah ee uu ku laalay Dastuurka dalka iyo soo celinta shirarka Madasha Watashiga Qaranka oo muhiim u ah marxaladdan.” Ayuu Farmaajo kusoo gaba-gabeeyay war-saxaafadeedka.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka uu soo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa imaanaya kadib go’aankii ay golaha wasiirada Soomaaliya ku joojiyeen dhammaan heshiisyadii ay dowladda federaalka Soomaaliya hore ula gashay Imaaraadka Carabta.