Somaliland oo ka jawaabtay go’aankii golaha wasiiradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta

Somaliland oo ka jawaabtay go'aankii golaha wasiiradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta
Muuqaal ka mid ah Dekedda magaalada Berbera

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa si adag looga soo horjeestay go’aankii ay golaha wasiiradda Soomaaliya ku joojisay dhammaan heshiisyadii ay dowladda federaalka Soomaaliya horay ula gashay Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeedka ayaa lagu lagu sheegay in Somaliland ay si buuxda u diidan tahay hadallada ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dooneyso inay ku sheegato awood sharciyeed oo ku saabsan heshiisyo ka dhacay Berbera.

“Berbera waa qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, mana jirto wax maamul ama awood sharciyeed ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku sheegan karto”

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeynaysaa in Soomaaliya aanay ahayn dhinac ama dammaanad-qaade midna heshiis kasta oo ay Jamhuuriyadda Somaliland gashay. Sidaas awgeed, Soomaaliya ma laha xuquuq sharci ah oo ay ku joojin karto, ku beddeli karto ama si kale u saameyn karto heshiisyadaas. Isku day kasta oo arrintaas lagu sameeyana waa mid sharci-darro ah, kana hor imanaya xaqiiqooyinka jira iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii Somaliland ayaa sheegtay in dhammaan heshiisyada ay wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin kuwa sharci ah oo ansax ah, kana dhaqan-galaya dhammaan dhinacyadda.

“Dhammaan heshiisyada ay wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waa kuwo sharci ah, ansax ah, kana dhaqan-galaya dhammaan dhinacyada. Heshiisyadan waxaa galay hay’adaha dastuuriga ah ee awoodda u leh Jamhuuriyadda Somaliland, si loo horumariyo ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarka guud, iyo xasilloonida gobolka, mana saameynayaan hadallada siyaasadeed ee dibadda ka imanaya” Ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka

Si kastaba aha ahaatee, war-saxaafadeedkaan kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku joojisay dhammaan heshiisyadii ay dowladda federaalka Soomaaliya hore ula gashay Imaaraadka Carabta.