Musharraxa hoggaanka maamulka Galmudug ee xisbiga JSP oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Musharraxa hoggaanka maamulka Galmudug ee xisbiga JSP oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Musharraxa hoggaanka Galmudug ee xisbiga JSP, Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, iyadoo ay soo dhaweyntiisa ka qeyb galeen mas’uuliyiin, xildhibaanno, wasiirro iyo boqolaal taageerayaal ah.

Wafdiga musharraxa waxaa kamid ahaa xoghayaha guud ee xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka ururka, waxaana soo dhaweyntiisa isugu soo baxay dadweyne ka kala yimid degmooyin iyo deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Musharraxa hoggaanka maamulka Galmudug ee xisbiga JSP oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminayay mas’uuliyiintii soo dhaweynta qabanqaabisay, ayaa uga mahadceliyay shacabka Galmudug taageerada ay u muujinayaan ururka JSP iyo ka qeybgalka ay ku leeyihiin ololaha siyaasadeed ee socda.

Musharraxa hoggaanka maamulka Galmudug Liibaan Shuluq oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Xoghayaha guud ee xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa dhankiisa ku ammaanay diyaar garowga ay bulshada Galmudug ugu jiraan doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan deegaannada maamulkaas, isagoo shacabka ugu baaqay inay codkooda siiyaan musharraxa xisbiga.

Musharraxa hoggaanka maamulka Galmudug Liibaan Shuluq oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Musharrax Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo hadal ka jeediyay munaasabadda soo dhaweynta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan hoggaanka Galmudug, isagoona sheegay in haddii loo doorto xilka uu mudnaanta siin doono sugidda amniga, dib u heshiisiinta bulshada Galmudug iyo xoreynta deegaannada ay weli Al-shabaab kaga sugan yihiin maamulka.

Musharraxa hoggaanka maamulka Galmudug Liibaan Shuluq oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Ugu dambeyn, musharrax Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) ayaa shacabka Galmudug u ballanqaaday in lix bilood gudahood lagu dardargelin doono howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan deegaannada Galmudug.

Musharraxa hoggaanka maamulka Galmudug Liibaan Shuluq oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Si kastaba ha ahaatee, soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay musharrax Liibaan Shuluq ayaa muujinaysa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee sii xoogeysanaya, xilli la filayo in Galmudug ay martigeliso doorashooyin ay dadweynuhu codkooda si toos ah ugu dhiiban doonaan musharraxiinta u tartamaya hoggaanka maamulka.