Golaha wakiillada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay go’aan xasaanadda looga qaadayo xildhibaan Fahiima Yuusuf Quuje, kadib codsi rasmi ah oo uga yimid xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulkaas.
Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wakiillada ayaa lagu sheegay in 56 xildhibaan ay u codeeyeen ansixinta xasaanad ka qaadista xildhibaan Fahiima Quuje, taasoo qeyb ka ah habraaca sharciyeed ee la xiriira dacwad loo haysto.


#Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa hore u gudbiyay codsi uu ku dalbanayo in xasaanadda laga qaado Fahiima Yuusuf Quuje, isagoo ku eedeeyay falal lagu tilmaamay qaran-dumis, wuxuuna goluhu sheegay in go’aankan uu u gogol xaarayo in kiiska loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh qaadistiisa.


Fahiima Yuusuf Quuje ayaa kamid ahayd siyaasiyiintii door muuqda ku lahaa dhismaha maamulka Waqooyi Bari iyo dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee ka dhacay gobolka Sool sanadihii la soo dhaafay, iyadoo go’aankeeda uu dhaliyay falcelin siyaasadeed oo ballaaran gudaha deegaannada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii Fahiima Quuje ay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Golaha Wakiillada, isla markaana ay sheegtay inay ka tanaasushay mowqifkeedii hore ee taageerada midnimada Soomaaliya, iyadoo ku biirtay qaddiyadda Somaliland.