Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay go’aankii xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro ee ku aaddanaa aqoonsiga Isra’iil, isaga oo dhaleeceyn u jeediyey faahfaahin la’aanta iyo caddeyn la’aanta heshiiskaas.
Waxa uu Muuse Biixi sheegay in xukuumaddu weli shacabka aysan u soo bandhigin waxa ku jira heshiiska lala galay Isra’iil, taasoo abuureysa su’aalo iyo walaac ku saabsan sharcinimada iyo mabaadi’da dastuurka iyo diinta.
“Xukuumaddu weli masoo bandhigin oo umadda ma horkeenin, waxa aanu ku heshiinay Isra’iil oo axdi ah ama is-af-garad ah ama qoraal wixii ah” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa ku adkeeyay in dastuurka Somaliland uusan oggolaan karin in qof Muslim ah looga hiiliyo qof gaal ah, islamarkaana aanu aqbali karin in taageero la siiyo maamulka Yuhuudda ee dagaal kula jira reer Falastiin.
Wuxuu Muuse Biixi sheegay in dastuurka Somaliland uu dhigayo inaan marnaba la ogoleyn wixii diinta ka hor imaanaya, islamarkaana aysan ku dhici karin inay xad-gudub sameeyaan hadii uu ahaan lahaa madaxweyne ama baarlamaan toona.
“Maba dhici karto oo dastuurka ayaa diiddan, diintuna ma ogola in nin Islaam ah nin gaal looga hiiliyo, waa laga hadli doonna haddii ay ku xad gudbaan dastuurka ama dal Islaam ah dhibaato u raacaan, dastuurkeenaa waxaa ku qoran, wax allaale wixii diinta ka horimaanaya wuu ka reeban yahay Somaliland, madaxweyne ayaan ku dhici karin, walaa baarlamaan baan ku dhici karin” Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qeyb ka ah dood muddooyinkii dambe sii xoogeysanaysay, taas oo ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Isra’iil, iyo sida arrintaan ay uga hor imaan karto qiyaamka dastuurka iyo diinta Islaamka.