Turkiga oo qalab ciidan ku wareejiyay ciidanka booliska gaarka ah ee Harmacad

Turkiga oo qalab ciidan ku wareejiyay ciidanka booliska gaarka ah ee Harmacad

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jeneraal C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktas, qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan ciidanka booliska gaarka ah ee Harmacad.

Munaasabadda lagu wareejiyey qalabka ayaa ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan C/laahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Yuusuf Cali, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.

Qalabkan ayaa lagu sheegay inuu sare u qaadayo awooda cutubka ee howlgalada iyo tababarka, isla markaana ka caawinaya fulinta hawlaha sugidda amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Cutubka Harmacad ayaa dhawaan dhameystay tababar heer sare ah oo lagu xoojiyey xirfadaha la-dagaallanka argagixisada, sugidda amniga gudaha, iyo diyaar-garowga howlgalada deg-degga ah, taasoo kor u qaadaysa awooda cutubka ee ka hortagga falalka amni-darrada iyo ilaalinta xasiloonida dalka.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga, iyagoo tilmaamay in qalabkani uu door muhiim ah ka ciyaari doono sugidda amniga, xasilinta deegaannada, iyo kor u qaadida awooda howlgal ee cutubyada gaarka ah.