War-saxaafadeed digniin ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gudaha dalka Iiraan inay si deg-deg ah uga baxaan dalkaasi.
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagu war-geliyay inay adeegsadaan marinnada dhulka, gaar ahaan kuwa u gudba dalalka Turkiga ama Armenia, maadaama ay jiraan xaalado amni dhinaca duulimaadyadda ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in awoodda ay u leedahay inay soo bad-baadiso muwaadiniinteeda ay aad u yar tahay, maadaama wax safaarad ah ama qunsuliyad aysan ku lahayn dalkaasi Iiraan.
Digniintan ayaa timid kadib markii in ka badan 2,000 oo qof lagu dilay mudaaharaadyada ka socda dalka Iiraan, waxaana 1,847 qof ka mid ah dadkaasi dhintay ay ahaayeen dibad-baxayaal, halka 135 ay ahaayeen xubno ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaas.
Dhinaca kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay dadka Iiraan inay sii wadaan mudaharaadyadooda, isagoona u sheegay in “caawin” ay jidka kusoo jirto, isagoona aan wax faah-faahin dheeraad ah ka bixin waxa uu ugala jeedo arrinkaas.