Muhaajiriinta Soomaalida ee ku dhaqan dalka Mareykanka oo la masaafurin doonno

Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka oo la masaafurin doonno
Xoghayaha wasaaradda amniga gudaha Kristi Noem.

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen Barnaamijka Illaalinta Ku‑Meel‑Gaarka ah ee muhaajiriinta kasoo jeeda Soomaaliya.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda amniga gudaha Mareykanka ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu dhaqan geli doonno 17-ka Maarso, taasoo ka dhigan in Soomaalida haysatay sharcigaasi ay waayi doonaan oggolaanshiyaha shaqo iyo inay sii joogaan dalkaasi, lana masaafurin doonno.

“Ku‑meel‑gaar micnihiisu waa ku‑meel‑gaar,” ayay tiri xoghayaha wasaaradda amniga gudaha Kristi Noem.

Tirada Soomaalida ee sharcigaasi haysata ayaa tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan illaa 1000 qof, marka loo eego guud ahaan muhaajiriinta ku sugan dalkaasi.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxweyne Donald Trump uu adkeeyay ololaha ka dhanka ah socdaalka, gaar ahaan gobolka Minnesota, halkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii u dambeysay waxaa sii xoogeysanayay dibadbaxyada looga soo horjeedo hay’adda socdaalka iyo kastamka Mareykanka (ICE), kadib markii qof haweeyney lagu magacaabi jiray Renee Nicole Good lagu dilay gudaha magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.