NISA oo shaacisay in howlgal qorsheysan lagu diley 9 katirsan Al-shabaab

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA)
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA)

Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA)  ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose, kuwaas oo la sheegay inay xarumo iyo goobo muhiim ah u ahaayeen kooxda Al-shabaab.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay NISA, howlgalladan ayaa lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana sidoo kale lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo ay kooxda u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa ee lagu dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada dowladda.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgal gaar ah oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow lagu beegsaday xarun ay Al-shabaab ku kaydsanaysay matoorro waaweyn oo loogu talagalay samaynta walxaha qarxa iyo dayactirka gaadiidka loo adeegsado weerarrada.

Goobtaas ayaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ku jireen horjooge Abiikar Nuur, oo mas’uul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka kooxda, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan, oo ahaa makaanigii ugu weynaa ee u qaabilsanaa farsameynta baabuurta qaraxyada.

Dhinaca kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla gobolka Sh/hoose ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah. Hawlgalkan ayaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda, halka maleeshiyaadkii kale lagu kala firdhiyay goobta.

NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-shabaab, laguna burburinayo xarumaha ay ka diyaariyaan weerarrada iyo walxaha qarxa.

Ugu dambeyn, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan ilaa si buuxda looga cirib tiro deegaannada dalka, iyadoo xustay in sugidda amniga iyo xasilloonida ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladda.

NISA oo shaacisay in howlgal qorsheysan lagu diley 9 katirsan Al-shabaab