Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo sameeyay magacaabistii ugu horeysay

Hoggaamiyaha KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji, ayaa sameeyay magacaabistii ugu horeysay tan iyo markii dowladda federaalka Soomaaliya u magacawday xilkaas.

Wareegto rasmi ah oo uu soo saaray hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ayaa lagu magacaabay Cali C/laahi Isaaq agaasimaha madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo magacaabistani ay calaamad u tahay bilawga hoggaaminta maamulka cusub.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo lagu xoojinayo hufnaanta, nidaamka, iyo tayada shaqada xafiisyada sare.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabistan cusub ayaa la filayaa inay dhiirri-geliso wada shaqeyn waxtar leh iyo isfaham ka dhaxeysa madaxda maamulka iyo dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo kor u qaadi doonta hufnaanta maamulka iyo tayada adeegga loo fidiyo shacabka.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo sameeyay magacaabistii ugu horeysay