NISA oo shaacisay inay dileen horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA)

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaaciyay inay dileen horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kaasoo lagu dilay howlgal qorsheysan oo laga fulliyay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Sh/hoose.

Bayaan ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan islamarkaana dhacay 27-kii Janaayo ay ciidanka u suurto gashay inay dilaan horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhubad Xidig, balse loo yaqaanay Sheekh Aadan Dheere.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku guuleystay inay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, kaddib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo” ayaa lagu yiri Bayaanka

Sidoo kale, Hay’addu waxay sheegtay in howlgalkaan ay fulliyeen ciidamo si gaar-ah u tababaran islamarkaana ay ku dilaan horjoogahan oo kamid ahaa shaqsiyaadka muhiimka u ahaa Khawaarijta, kaasoo door muuqda ku lahaa uruurinta iyo maareynta dhaqaalaha Al-shabaab ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay kaddib markii uu isku dayay inuu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan”. Ayaa Bayaanka NISA lagu yiri

Dhinaca kale, NISA ayaa sheegtay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay olole joogto ah oo lagula dagaallamayo Al-shabaab, laguna xoojinayo amniga dalka, iyadoo si gaar ah loogu beegsanayo hogaamiyeyaasha halista ku haya nabadda iyo xasiloonida bulshada.

Ugu dambayn, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ilaa laga tirtiro guud ahaan dalka, si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo dhibaatada joogtada ah ee ay kooxaha argagixisada ku hayaan.