Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ka hadashay war maalin ka hor kasoo yeeray, kaas oo sheegayay in dowladda Turkiga ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku wareejisay diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ahaa masuulkii horey u sheegay warkaasi ayaa caddeeyay in hadalkiisii hore si qaldan loo fasiray, isaga oo xusay in diyaaradaha F-16 ee la arkay ay si buuxda u leeyihiin Dowladda Turkiga, ayna u joogaan hawlo gaar ah oo Turkigu leeyahay, balse aan lagu wareejin Ciidanka Soomaaliyeed.
Diyaaradaha F-16 ayaa la arkay 3-dii bishan Febraayo iyagoo dul heehaabaya hawada sare ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo lagu arkay iyagoo ka duulaya kuna soo degaya.
Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya la-leh xiriir iskaashi milatari iyo mid amni oo xooggan, wuxuuna magaalada Muqdisho ka hirgeliyay saldhiggiisa milatari ee ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda, isagoo sidoo kale, howlo baaritaan shidaal ka wadda xeebaha koonfurta Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn aad u ballaaran, balse dowladda federaalka ayaa hadda caddeysay inaysan jirin wax diyaarado dagaal ah oo si rasmi ah loogu wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.