Puntland oo digniin kasoo saartay in hawlgal mashaariic ah laga fuliyo deegaannadeeda

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay in wax hawlgal oo mashaariic ah ee la xiriirta kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha iyo adeegyo kale aan laga fulin karin deegaannada Puntland, iyada oo aan wax oggolaansho ah laga haysan hay’adaha awoodda u leh ee maamulka.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in shirkado Soomaali ah iyo kuwo shisheeye, oo ay ku jirto shirkadda SOMTURK, ay ku hawlan yihiin inay mashaariic ka fuliyaan gudaha deegaannada Puntland, balse lagu wargeliyay inaan wax mashaariic ah laga fulin karin iyada oo aan oggolaansho rasmi ah laga helin maamulka.

Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan awood u lahayn inay bixiso heshiisyo ama ruqsado la xiriira kheyraadka ku jira dhulka iyo badda Puntland, iyadoo maamulkaasi uu ku doodday in arrimahaasi ay ku saleysan yihiin dastuurka KMG ah ee federaalka iyo dastuurka Puntland.

Dhinaca kale, Puntland ayaa hoosta ka xarriiqday in ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ay tahay xuquuq dastuuri ah oo u gaar ah maamulka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la raaco habraacyada wada-tashiga iyo is-afgaradka ee nidaamka federaalka.

Ugu dambeyntii, Puntland ayaa digniin u dirtay cid kasta oo isku dayda inay ka howlgasho deegaannadeeda badeed ama dhuleed iyada oo aan fasax laga haysan, iyadoo sheegtay in ay ka qaadi doonto tallaabo sharci oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda Puntland.