Puntland oo dowladda federaalka ku eedeysay inay hub iyo maleeshiyo beeleed geysay Gaalkacyo

Puntland oo dowladda ku eedeysay in hub iyo maleeshiyo beeleed ay geysay Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay hub iyo maleeshiyo beeleed geysay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid halis ku ah amniga iyo xasilloonida magaalada.

Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland, C/raxmaan Yuusuf Dujaan, ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo qorsheyaal lagu qalqal-gelinayo xaaladda amni ee Puntland, islamarkaana ay hub iyo maleeshiyaad geysay magaalada Gaalkacyo, isagoo xusay in Puntland aysan aqbali doonin wax kasta oo khatar gelinaya nabadda iyo xasilloonida deegaannadeeda.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay isku difaaceyso haddii ay la kulanto waxa uu ku tilmaamay gardarro ama hanjabaad dhinaca amniga ah, isagoona intaa ku daray in ciidamada ammaanka Puntland ay heegan u yihiin ilaalinta amniga iyo xasilloonida shacabka.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli wax jawaab rasmi ah ka bixin eedeymaha ay Puntland u jeedisay ee la xiriira hub iyo maleeshiyo beeleed la sheegay inay geysay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Si kastaba ha ahaatee, eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, iyadoo maalmo ka hor deegaanka Laag ee duuleedka Boosaaso ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwo ay Puntland sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya ka amar qaataan.