Dowladda federaalka oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Hiiraan lagu dilay 42 ka tirsan Al-shabaab

Duqeyn culus oo lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 42 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Goobo, oo qiyaastii 10 kiiloomitir waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay in kooxda ay ka waday abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo dagaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab ku uruurinaysay dagaalyahanno iyo agab militari, iyadoo sidoo kale howlgalkaasi lagu burburiyay gaari dagaal iyo fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaanka Goobo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, duqeyntan ayaa daba socotay dagaallo dhowaan ka dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa macawiisleyda ay, sida ay dowladdu sheegtay, khasaare ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

Howlgallada ka socda gobolka Hiiraan ayaa qayb ka ah dadaallada militari ee lagu wiiqayo awoodda Al-shabaab ee bartamaha Soomaaliya, iyadoo gobolkaasi uu ka mid yahay meelaha ay muddooyinkii dambe si joogto ah uga socdeen howlgallo ay fulinayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga ayaa bogaadisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo macawiisleyda doorka ay ka qaadanayaan howlgalada socda, iyadoo sidoo kale uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay sii wadi doonto howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo sheegtay in la beegsanayo horjoogayaasha, dagaalyahannada iyo xarumaha kooxda si loo yareeyo awooddeeda loona xoojiyo amniga deegaannada ay ka howlgasho.