Qaramada Midoobay oo shaacisay inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wadahadalladii ugu dambeeyay ee dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in hay’addu ay soo dhaweynayso dadaallada socda ee lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

“Xoghayaha Guud wuxuu bogaadinayaa dadaallada wadahadalka iyo isu soo dhawaanshaha ee ay muujiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhiirrigelinayaa labada dhinac inay sii xoojiyaan wada-xaajoodyada si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay khilaafaadka ku xalliyaan wadahadal iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo amniga dalka.

Dhinaca kale, safiirrada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waday dadaallo xooggan oo lagu doonayo in la isku soo dhoweeyo dhinacyada siyaasadda, inkastoo wareegyadii hore ee wada-hadallada ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa horey dhowr jeer ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed iyo dhinacyada siyaasadda inay mudnaanta siiyaan wada-tashiga, tanaasulka iyo heshiiska siyaasadeed si looga fogaado khilaafyo siyaasadeed oo carqaladeeya geeddi-socodka dowladnimada iyo xasilloonida dalka.