Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta soo gabagabeeyay safar shaqo oo labo maalmood qaatay oo uu ku joogay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, isagoona dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa intii uu ku sugnaa Dhuusamareeb, waxa uu kulammo kala duwan la yeeshay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha siyaasadda, amniga iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska maamulkaas.
Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii loo xaqiijin lahaa doorasho nabdoon oo ka dhacda Galmudug, taas oo qeyb ka ah qorshaha dowladda federaalka ee lagu horumarinayo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo xasilinta siyaasadda dalka.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa kulammo la yeeshay siyaasiyiin ka kala socda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed oo kasoo jeeda Galmudug, kuwaas oo ka wadahadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo dowlad-dhiska.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa bogaadiyay dadaallada maamulka Galmudug ee ku aaddan doorashada qof iyo cod, isagoo ku boorriyay in si hufan oo nabdoon loo maareeyo geeddi-socodka doorashada.
Ugu dambeyn. waxaa ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kusii sagootiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo Taliyaha NISA, Mahad Maxamed Salaad, isagoona dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.