Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ah ku tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si uu u qiimeeyo heerka adeegyada kala duwan ee halkaasi ka jira.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa si gaar ah u kormeeray adeegyada muhiimka ah ee garoonka, oo ay ka mid yihiin adeegga caafimaadka, maamulka socdaalka, ammaanka, iyo howlaha kale ee la xiriira dhoofinta iyo soo dhaweynta rakaabka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa faray hay’adaha amniga, maamulka garoonka, iyo shirkadaha bixiya adeegyada kala duwan inay xoojiyaan nidaamka, nadaafadda, ilaalinta sharciga, iyo daryeelka rakaabka, si garoonku u noqdo mid ka tarjumaya horumarka socda ee dalka iyo hiigsiga dowladnimo casri ah.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa si adag ugu boorriyey dhammaan hay’adaha iyo waaxyaha kala duwan ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde inay laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan u adeegidda bulshada, kor u qaadista tayada adeegyada la bixiyo, iyo hubinta in muwaadiniinta iyo martida dalka soo booqata ay helaan adeeg hufan oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa sheegay in horumarinta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay tahay mas’uuliyad wadareed, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in si mideysan looga shaqeeyo sidii garoonku u noqon lahaa astaan muujinaysa sharafka, haybadda, iyo mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya.