Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah uga soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe waxaa safarkiisa ku wehliya ciidan ilaalo u ah islamarkaana si gaar ah u tababaran, kuwaas oo ku hubeysan hub culus, taas oo qeyb ka ah tallaabooyinka amni ee la qaaday si loo xaqiijiyo badqabka wafdigiisa iyo guud ahaan amniga magaalada.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, iyo saraakiil ka socday hay’adaha ammaanka ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wafdiga Axmed Madoobe, kuwaas oo muujiyay soo dhaweyn rasmi ah iyo wada shaqeyn amni oo buuxdo.
Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho si weyn maanta looga dareemayaa diyaargarow aad u xoogan oo dhinaca amniga ah, iyadoo ciidamada ammaanka ay gebi ahaan xireen waddooyinka muhiimka ah ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirka maalinta berri ka furmaya magaalada Muqdisho.
Shirkaas oo ah mid heer qaran ah, ayaa lagu wadaa inay kasoo qeyb galaan madaxda ugu sareeysa dowladda federaalka Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul goboleedyada, iyo mas’uuliyiin kale oo muhiim ah.
Shirkaas ayaa diiradda lagu saari doonnaa mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, amniga guud, hannaanka dowlad-dhiska, federaaleynta, iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.
Imaanshaha Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa loo arkaa mid muhiim u ah guusha shirka, maadaama uu door weyn ku leeyahay geeddi-socodka siyaasadeed iyo wada-tashiga qaran ee la filayo in shirkaasi ka dhasho.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa inta uu shirku socdo in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, ay yeeshaan kulamo gaar ah, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-afgaradka ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee dalka.