Ra’iisul wasaare Xamse oo hoggaamiyaha ku-meel-gaarka Koonfur Galbeed u magacaabay Jibriil C/rashiid Xaaji

Hoggaamiyaha KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu magacaabay Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi inuu noqdo hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo xilkaasi uu dhaqan galayo laga bilaabo 1-da Abriil 2026.

Jibriil C/rashiid oo ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magacaabistiisa lagu saleeyay baahida deg-degga ah ee loo qabo sii wadidda howlaha maamulka iyo ka hortagga firaaqa hoggaamineed, xilli ay jiraan isbeddello siyaasadeed oo saameeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Wareegtada ayaa sidoo kale tilmaamaysa in magacaabistan ay ujeeddadeedu tahay ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, sugidda amniga guud, iyo xaqiijinta in maamulka uu si habsami leh u sii shaqeeyo inta lagu jiro marxaladda kala guurka.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ayaa loo igmaday inuu qabto waajibaadyo muhiim u ah maamulka, kuwaas oo ay ka mid yihiin sii wadidda adeegyada dowliga ah ee aasaasiga ah, dardargelinta wadatashiyada ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyo diyaarinta hannaanka kala guurka ee waafaqsan dastuurka federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabistan ayaa loo arkaa mid lagama maarmaan u ah xaqiijinta xasilloonida iyo joogteynta maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo dowladda federaalka ay waddo qorsheyaal lagu dhisayo maamul rasmi ah oo ku dhisan nidaam dimuqraadi ah.