Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya inay dhawaan yeeshaan kulan looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka hannaanka dowladnimo, xilli uu sii dhammaanayo muddo-xileedka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa la sheegay inuu hordhac u yahay wadatashiyo ballaaran oo la filayo inay qabsoomaan bartamaha bishan aynu ku jirno, iyadoo ajandaha ugu weyn uu yahay go’aaminta jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan nooca dowladnimo iyo hannaanka doorashooyinka soo socda.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xubnaha ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed aysan weli gaarin mowqif mideysan oo ku saabsan sida loo maareynayo marxaladda kala guurka ah, iyo sida looga jawaabayo qorshayaasha madaxtooyada Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah.
Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu saameynta badan ee golaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa caasimadaha dalalka dariska la ah Soomaaliya, halkaas oo ay ka wadeen kulamo iyo wada-tashiyo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin natiijooyinka wada-hadalladaasi.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, iyo sidoo kale xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta ayaa horey ugu guul-dareystay inay heshiis la gaaraan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, kulanka la filayo inuu dhaco ayaa loo arkaa mid xasaasi ah oo saameyn weyn ku yeelan kara mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama ay weli jiraan khilaafaadyo ku aaddan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, kuwaas oo u baahan xal wadajir ah si loo xaqiijiyo geeddi-socod siyaasadeed oo hufan oo lagu kalsoonaan karo.