RW Xamse Cabdi Barre iyo safiirka Talyaaniga oo kulan ku yeeshay Muqdisho

RW Xamse Cabdi Barre iyo safiirka Talyaaniga oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Daccò Coppi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo dowladda Talyaanigu ka taageerayso Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha saddex isbitaal oo laga hirgelinayo degmooyinka Afmadow ee gobolka J/hoose, Xarardheere ee gobolka Mudug iyo Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

RW Xamse Cabsi Barre iyo safiirka Talyaaniga oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay halka ay marayaan mashaariicdaasi, isagoo bogaadiyay taageerada joogtada ah ee dowladda Talyaanigu siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada, waxbarashada, diblomaasiyadda iyo gargaarka bani’aadannimo.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa safiirka la wadaagay horumarrada ay dowladdu ka gaartay dhinacyada amniga, kobaca dhaqaalaha iyo hirgelinta siyaasadda la xiriirta doorashooyinka qof iyo codka ah.

RW Xamse Cabsi Barre iyo safiirka Talyaaniga oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Ugu dambeyn, safiirka Talyaaniga, Daccò Coppi oo isna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay ra’iisul wasaaraha soo dhaweynta diirran, wuxuuna xaqiijiyay in dowladda Talyaanigu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.