Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo uu weheliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, iyo saraakiil kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, dardargelinta howlaha wadajirka ah, gaar ahaan tababarrada ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorka Turkiga ee la dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada qalabka sida iyo xoojinta iskaashiga amniga.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan kooxo kasoo horjeeda dowlad-dhiska Soomaaliya oo uu sheegay inay dhibsadaan xiriirka sii xoogeysanaya iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Ugu dambeyn, safiirka Turkiga iyo saraakiisha la socotay ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Turkiga sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca.