RW Xamse oo maanta xariga ka jaray waddo casri ah oo laga dhisay degmada Wadajir

RW Xamse oo maanta xariga ka jaray waddo casri ah oo laga dhisay degmada Wadajir
RW Xamse oo maanta xariga ka jaray waddo casri ah oo laga dhisay degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray waddo casri ah oo laga hirgeliyey xaafadda Buulo-Xuubey ee Degmada Wadajir.

Waddadan oo dhererkeedu gaarayo ku dhowaad 2-KM, ayaa qayb ka ah mashaariicda baaxadda leh ee Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Waxa xusid mudan in dhismaha wadadan uu ku dhammaaday muddo 3 bilood, ka dib markii uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay 4-tii Nofeember 2025. Dhismaheeda ayaa loo adeegsaday qalab casri ah, iyadoo la waafajiyey heerarka tayada ee jidadka waara.

RW Xamse oo maanta xariga ka jaray waddo casri ah oo laga dhisay degmada Wadajir

Ra’iisul wasaare Xamse oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda xarig-jarka ayaa tilmaamay in horumarinta jidadka ay laf-dhabar u tahay, kobaca dhaqaalaha, fududeynta isku-socodka ganacsiga iyo gaadiidka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in wadadaan ay qeyb weyn ka qaadanayso nabadgelyada xaafadaha iyo bilicda guud ee magaalada Muqdisho, maadaama uu sheegay in wadada loo dhisay si casriyeysan.

“10 sano ka hor lama filayn in xaafaddan ay gaarto heerkan horumarineed, balse dadaal wadajir ah oo u dhexeeya Xukuumadda, Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ayaa suuragelisay in Muqdisho ay maanta ka mid noqoto caasimadaha sida xawliga ah u kobcaya,” Sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay xil weyn iska saaraan ilaalinta hantida danta guud, isagoona si gaar ah u codsaday qodobada hoos ku xusan:

  1. In la dhowro nadaafadda iyo bilicda wadada.
  2. In lagu daro dhirayn iyo cagaarin si loo hagaajiyo deegaanka.
  3. In la xoojiyo wadashaqeynta amniga si loogu raaxaysto nabadda ka jirta caasimadda.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ballan-qaaday in Xukuumadda DanQaran ay sii wadi doonto mashaariicda kale ee horumarineed ee lagu casriyeynaayo nolosha dadka Soomaaliyeed iyo bilicda magaalada Muqdisho.