Waxaa saacadihii lasoo dhaafay, dalka Liibiya iyo fagaarayaasha caalamka si weyn u qabsaday warar la xiriira dilka Saif al-Islaam al-Qaddaafi, oo ahaa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya, Mucammar al-Qaddaafi.
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo u dhow xafiiskiisa siyaasadda iyo saraakiil ka tirsan maamulka magaalada Zintan, Saif al-Islam ayaa lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay hoyga uu ka deganyahay galbeedka dalka Liibiya, maalinimadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 3-da Febraayo 2026.
Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa mid hore loo soo qorsheeyay, islamarkaana ay fulliyeen koox hubeysan oo ka kooban afar ruux, kuwaas oo gudaha u galay guriga Saif al-Islaam al-Qaddaafi oo ku yaalla magaalada Zintan ee galbeedka dalka Liibiya.
Weerarkaasi ayaa sababay dhimashada Saif al-Islam, kaas oo ay ku dhaceen rasaas dhowr ah ka hor inta aan loola cararin goobaha caafimaadka.
Cabdullaahi Cismaan oo ah wakiilka gaarka ah ee Saif al-Islam iyo qareenkiisa Khaled al-Zaidi ayaa labaduba xaqiijiyay geeridan, iyagoo ku tilmaamay dilkan inuu ahaa mid shirqool ah oo loo danlahaa in meesha looga saaro mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad doorashada madaxtinimada Liibiya ee dhawaan dhici doonta.
Ugu dambeyntii, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Liibiya ayaa shaaca ka qaaday in baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyay maydka uu xaqiijiyay inuu u dhintay dhaawacyo halis ah oo ka dhashay rasaasta.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan dilka ah ayaa kusoo beegmaya xilli ay Liibiya ku jirto diyaarinta hannaan doorasho oo la filayo in lagu xalliyo khilaafaadka iyo kala-qaybsanaanta siyaasadeed ee dalkaas ka taagnayd sanado badan.