Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegayaa inuu khilaaf xoogan soo kala dhex galay, kadib markii labada mas’uul ay isku khilaafeen arrimaha siyaasadda maamulka Galmudug, gaar ahaan mustaqbalka hoggaanka maamulkaasi iyo doorashada la filayo inay dhawaan halkaasi ka dhacdo.
Warar soo baxaya oo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Mahad Maxamed Salaad shaqada laga joojiyay ama xilka laga qaaday, hase yeeshee illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ama hay’adda NISA oo xaqiijinaya arrintaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa inuu taageero u muujinayo siyaasiga Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) halka wararka qaar ay sheegayaan in Mahad Maxamed Salaad uu soo jeediyay in haddii uusan isaga heli karin kursiga hoggaanka Galmudug, xilka loo daayo madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).
Dhinaca kale, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in si ku-meel-gaar-ah xilka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) loogu wareejiyay ku-xigeenka ama kaaliyaha Mahad Maxamed Salaad, inkastoo aan la helin wax caddeyn rasmi ah oo arrintaasi xaqiijinaya.
Sidoo kale, waxaa jira hadal-heyn siyaasadeed oo ku saabsan suurtagalnimada in maalmaha soo socda isbeddel lagu sameeyo hoggaanka hay’adda NISA, iyadoo la sheegayo in madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo inuu xilkaasi u magacaabo mas’uul si dhow ula jaanqaadi kara siyaasadiisa.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan wararkan weli ma helin xaqiijin rasmi ah, waxaana muuqata in xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira Galmudug iyo hay’adaha amniga, ay sii kordhinayaan xiisadda iyo hadal-heynta siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho.