Xilliyadda qaar ma maqashaa dhawaaq buuq ama gujin aan caadi aheyn oo ka imaanaya gurigaaga ama hoteelka aad joogto? Haddii aad dareento in qof ku daawanayo kamarad qarsoon, waxaa jira calaamado lagu garto oo ay tahay inaad dheg u yeesho, sida maqalka buuq ama gujin ka dhacaya qol si kale u aamusan.
Kaamirooyinka qarsoon waa wax qof walba rabo inuu ka digtoonaado, gaar ahaan qolalka hoteellada iyo motel-lada, guryaha Airbnb-ga, iyo meelo kale oo kala duwan.
Hadaba qoraalkan wuxuu indhaha kuu furayaa sida loo helo kaamirooyinka qarsoon adigoo isticmaalaya taleefankaaga iPhone ama Android, wuxuuna ku siinayaa tallooyin ku saabsan meelaha laga raadin karo.
Waxyaabaha ugu horeeyo ee loo baahan yahay inaa ogaato.
- Marka hore Isticmaal kamaradda taleefankaaga si aad u ogaato iftiinka IR (infrared).
- Wuxuu iftiinka taleefankaaga (flashlight) ka tarjumayaa muraayadda kaamarad kasta oo qarsoon.
- Google Play Store ama App Store kasoo dejiso barnaamijyo apps-ka jira, si aad u ogaato kaamirooyinka qarsoon adigoo adeegsanaya beerahooda koronto-magnetka (EM fields).
Isticmaallka kaamirada telefoonkaaga.
Marka hore si aad u hubiso jiritaanka kaamarad qarsoon, hubi in qolka uu yahay mid aad u mugdi ah intii suurtagal ah, ka dibna ku fur barnaamijka kaamiradda adigoo isticmaalaya kamaradda hore ama tan dambe ee taleefankaaga si aad u baarto iftiin aan caadi ahayn.
Kaamirooyin badan oo ka shaqeeya iftiin hoose waxay adeegsadaan iftiin IR (infrared) ah oo aan indhaha bini’aadamku arki karin, balse ka muuqda kamaradda taleefankaaga sida iftiin guduudan ama caddaan khafiif ah.
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan taleefannadu ma awoodaan inay qabtaan iftiinka IR, sidaas darteed baaritaan aa ka sameeyso internetka ah ayaa kaa caawin karta inaad ogaato in teleefankaagu awoodaas leeyahay balse haddii aadan rabin inaad internetka ka baarto, waxaad adeegsan kartaa kontaroolka TV-ga (remote control) ama kontarool kale oo isticmaala IR, sida kan qaboojiyaha.
Marka hore fur barnaamijka kamaradda adigoo hubinaya in goobta aa ka baareyso kaamiradda qarsoon ay tahay meel mugdi ah, kadibna ku jeedi kontaroolka, adigoo shidaya ama riixaya badhamada, si aad u aragto iftiinka yar oo ay kaamaradda taleefankaagu qabato.
Haddii aad tijaabisay adigoo isticmaalaya kaamaradda dambe oo aadan arkin iftiin, markale ku tijaabi kamaradda hore. balse marka hore ogsoonow waa in goobtu ahaataa meel mugdi ah, si taleefankaaga uu u shaqeeyo hadii ay kaamiro qarsoon meesha ku jirto.
Fur Bluetooth-ka taleefankaaga oo ka eeg qalabka la heli karo.
Marka qalabka la heli karo ay soo baxaan, fiiro gaar ah u yeelo kuwa aadan garanayn ama u muuqda kuwo laga shakiyo, ka dibna ku samee baaritaan internetka ah magacyadooda si aad u ogaato waxa ay yihiin.
Fur Wi-Fi-ga taleefankaaga oo ka raadi wax aan ahayn router-kaaga.
Haddii ay soo baxaan shabakado aadan garanayn, waxay noqon karaan kuwo laga shakiyo.
Si kastaba ha ahaatee, isticmaaleyaal xirfad leh way qarin karaan shabakadooda, markaas ayaad u baahan tahay app dhinac saddexaad ah, si aad u ogaato shabakadaha qarsoon ee kugu dhow.
Google Play Store ama App Store kasoo dejiso barnaamijka Network Scanner, kaas oo loo isticmaalo baarista iyo ogaanshaha shabakadaha (networks) ku dhow, wuxuuna kuu oggolaanayaa inaad aragto qalabka ku xiran Wi‑Fi-ga, shabakadaha qarsoon, iyo waxyaabaha aan caadiga ahayn ee laga yaabo inay ka jiraan shabakaddaada.
App-kan waxaa inta badan loo adeegsadaa in lagu hubiyo amniga shabakadda, laguna ogaado qalab aan la garanayn.
Qaab xirfadaysan oo lagu ogaan karo kaamirooyinka qarsoon
Raadi waxyaabo aan caadi ahayn oo meel laga shakin kara yaalla.
Waxyaabo aan caadiga ahayn waxay noqon karaan wax caadi ah, ama waxay qarin karaan kaamirooyin.
Ka fikir kaamirooyinka daryeelka carruurta (nanny cams) ee u eg bahalo yar-yar (teddy bears) ama alaab carruureed jilicsan.
Haddii aad hesho kamarad qarsoon, ku dabool maro ama busto, ama ka fur korontada (haddii ay ku xiran tahay fiilo).
Raadi iftiin yar-yar.
Qaar ka mid ah kaamirooyinka waxay isticmaalaan nalal yar oo LED ah, si ay u muujiyaan inay shidan yihiin oo ay duubayaan.
Waxaad si fudud u arki kartaa iftiinnadan adigoo goobta ka dhigaya mid gebi ahaanba mugdi ah, taas oo ka dhigaysa inay sahlan tahay in la ogaado.
Hubi muraayadaha.
Ku dheji caaradda fartaada muraayadda, ka dibna fiiri haddii ay jirto farqi u dhexeeya fartaada iyo sawirkeeda.
Haddii uu jiro farqi ama kala duwanaansho, waa muraayad caadi ah, balse haddii fartaadu u muuqato inay si toos ah isugu taabanayso sawirkeeda, markaas waxay u badan tahay inay tahay muraayad laba-dhinac ah (two-way mirror), halkaas oo kamarad lagu qarin karo.
Sidoo kale, waxaad garaaci kartaa muraayadda. Muraayad laba-dhinac ah badanaa waxay yeelataa cod eber ah oo madhan (hollow sound).
Isticmaal qalab lagu ogaado kaamirooyin qarsoon.
Qaar ka mid ah barnaamijyada (apps) ayaa ku sheegta inay qabtaan howlaha sida kuwii hore loo soo sheegay oo kale, balse waxaa sidoo kale jira qalabyo gaar ah oo la iibsan karo kuwaas oo leh shaqadan.
Waxaad qalabkan ka iibsan kartaa meelo sida Amazon, qiimahooduna wuu kala duwanaan karaa laga bilaabo qiyaastii $20 ilaa boqolaal doolar, hase yeeshee dhammaantood waxay leeyihiin hal ujeeddo, taas oo ah helidda kaamirooyinka qarsoon.
Sawirro gidaarka lagu sudho (picture frames).
Maaddaama kaamirooyinku ay noqon karaan kuwo aad u yar, xitaa cabbirka bool (screw) ah, hubi inaad sidoo kale fiiriso qalimaan, buugaag, qurxinta derbiga, iyo sanduuqyada CD/DVD-yada ee yaalla ama la soo bandhigay. Tan waxaa sidoo kale ku jira nalalka habeenkii la shito (night lights).
Qalabka dareema qiiqa (Smoke detectors).
Ha iska indha tirin boolal aan caadi ahayn oo ku jira derbiyada ama xajiyeyaasha USB-ga ee derbiga ku xiran!.
Saacadaha / saacadaha digniinta (alarm clocks).
Sidoo kale hubi, saacadaha hadii ay ahaan lahayd kuwa derbiyada la suro ama kuwa markii la seexdo dhawaqa (Alarm clock) leh.
Sidoo kale hubi kombiyuutarradaada, gaar ahaan agagaarka qalabka mouse-ka kombiyuutarka.
Muraayadaha laba-dhinac ah (Two-way mirrors).
Sidoo kale raadi godad yar-yar oo ku yaalla derbiyada, marinnada hawada (vents), iyo shaandhada hawada.
Hubi madaxyada qubeyska (shower heads) ee aadan adigu rakibin.
Goobaha korontada (Electrical outlets).
Sidoo kale iska hubi bell-ka albaabka (doorbell chimes) iyo fiilooyinka dheeriga ah (extension cords), xitaa qalabka udgoonka korontada lagu shido (plug-in air fresheners) ha iska indha tirin.
Hadaba maxaa kula gudboon marka aad hesho kaamarad qarsoon oo ku xiran gurigaaga ama hoteelka aa joogto?, sameey seddaxdaan tallaabo
1: Diiwaangeli meesha aad ka heshay kaamaradda qarsoon.
Ka qaad sawir goobta ay ku taallo kaamaraddu adigoo isticmaalaya kamaradda taleefankaaga casriga ah.
2: Dabool kaamaradda.
Ku dabool kaamaradda busto ama tuwaal/shukumaan, si aysan mar dambe kuu arki karin. Haddii aadan dabooli karin, tusaale ahaan haddii ay aad u sarrayso, ka fogee alaabtaada iyo naftaada goobta ay wax ka arki karto kaamiradda.
3: La xiriir booliiska deegaanka oo raac tilmaamahooda.
Ha wicin hoteelka ama guriga kirada ah adigu, maadaama ay ogaan doonaan in la qabtay iyagoo sameynaya kormeer sharci-darro ah, taasoo siin karta waqti ay ku baabi’iyaan caddeymo ama wax tiri kara in raad-raac lagu sameeyo.