Haweeney lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

Haweeney lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota
Haweeney lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

Sarkaal ka tirsan ciidanka hay’adda socdaalka iyo kastamka Mareykanka (ICE) ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku toogtay haweeney lagu magacaabo Renee Nicole Good.

Haweeneyda la dilay ayaa la sheegayaa inay ahayd 37 jir islamarkaana ah hooyo haysata seddax caruur, wuxuuna dilkeeda sababay in mudaaharaadyo badan uu ka dhaco qeybo badan oo ka mid ah dalka Maraykanka, taas oo looga soo horjeedo dilkaan guracan.

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa ku dooday in sarkaalka dilka geystay uu naftiisa difaacayay.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Farey oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in maamuka Donald Trump ay doonayaan in arrinkaan dilka ah ay u rogaan mid is-difaacid ah, balse tilmaamay inay tahay mid been ah.

“Maamulka Trump waxay arrinkaan u roggayaan mid is-difaacid ah, aniga ayaa muuqaalka falka dilka ah indhahayga ku arkay, waxaan rabaa inaan shacabka u sheego in arrinkaasi been tahay” Sidaas waxaa yiri duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz, oo isna warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay toogashada, isagoo ugu baaqay shacabka inay illaaliyaan nabadda.

Dhinaca kale, Tricia McLaughlin oo ah afhayeenadda waaxda amniga gudaha (DHS), ayaa sheegtay in markii la dilayay Renee Nicole Good ay gaari ay wadatay hub ka dhigatay, islamarkaana dooneysay inay ku waxyeeleyso sarkaasi iyo mas’uuliyiin kale ee sarkaalkaas la socday.

“Sarkaal ka tirsan ICE, isagoo ka baqaya noloshiisa, nolosha saaxiibbadiisa sharci-ilaalinta ah, iyo badbaadada dadweynaha, ayaa riday rasaas difaac ah,” ayay McLaughlin ku qortay qoraal ay ku leedahay barta X, iyadoo dhacdada ku tilmaantay “fal argagixiso gudaha ah”.

Ka dib rasaasta, gaariga SUV-ga ee Good ayaa la arkayay iyadoo xabbad ka gashay muraayadda hore, dhiigguna ku firdhay kursiga madaxa.

Si kastaba ha ahaatee, qof goob jooge ah ayaa sheegay in haweeneyda la dilay isku dayaysay inay baxdo marka la toogtay.