Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga gaashaandhigga iyo milateriga, kaasoo xoogga saaraya amniga, tababarrada ciidamada, iyo wada shaqeynta difaaca si loo taageero xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Heshiiska ayaa sidoo kale ujeedadiisu tahay in labada dal ay wadaagaan khibradaha milatariga, agabka difaaca, iyo tababarada casriga ah ee ciidamada, si loo horumariyo awooda difaaca ee Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay: “Heshiiskan waxa uu sii xoojinayaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milateriga ee labada dal, isla markaana waxa uu daboolayaa dhinacyo kala duwan oo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale, wafdiga Soomaaliya oo ay hogaaminayaan wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga, iyo taliyaha ciidanka booliska ayaa sidoo kale ka qayb-galay furitaanka bandhigga difaaca ee Riyaad 2026, kaasoo lagu soo bandhigay agabka iyo farsamada milateriga casriga ah ee caalamka.
Si kastaba ha ahaateee, heshiiskan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo Soomaaliya ka caawinaya dhisidda awood milateri oo casri ah iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee gobolka.