Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii xalay soo gaaray dalka Masar ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee magaalada Qaahira.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si diirran madaxtooyadda ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Masar C/fataax Al-Sisi, taas oo ka tarjumaysa xiriirka wanaagsan ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa kadib kulan yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray dhowr qodob oo muhiim ah, waxaana qodobodaasi ka mid ahaa xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee labada dal, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Masar.

Kulanka kadib, labada Madaxweyne ayaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay, halkaas oo ay ku faah-faahiyeen natiijooyinka kulankooda, iyagoona si cad u muujiyay sida muhiimka u tahay sii xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, iyo sida ay labada dal uga go’an tahay inay ka wada shaqeeyaan mashaariic horumarineed, ganacsi, iyo iskaashi amni.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka istaraatiijiyadeed ee Masar, iyadoo la tixgelinayo taariikhda dheer iyo xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal.