Talooyin fudud oo ragga ka caawin kara helidda maqaar nadiif ah oo caafimaad leh

Talooyin fudud oo ragga ka caawin kara helidda maqaar nadiif ah oo caafimaad leh

Helidda maqaar nadiif ah, jilicsan oo caafimaad leh ma aha arrin ay dumarka keliya daneeyaan, balse rag badan ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah siiya daryeelka maqaarkooda.

Khubarada daryeelka maqaarka ayaa sheegaya in maqaarka wanaagsan lagu heli karo hab-raac joogto ah oo aan u baahnayn dadaal badan.

Tallaabada ugu muhiimsan ayaa ah in la yeesho jadwal joogto ah oo ka kooban nadiifinta maqaarka, qoyaan-siinta iyo xoqidda maqaarka dhintay.

Sidoo kale, cabbitaanka biyo ku filan, cunista cunto isku dheellitiran, hurdo wanaagsan iyo ka fogaanshaha qorraxda daran ayaa door weyn ka qaata caafimaadka maqaarka.

1. Si joogto ah u nadiifi maqaarkaaga

Waxaa lagu talinayaa in wejiga iyo jirka la dhaqo maalin kasta iyadoo la adeegsanayo saabuun ama dareere nadiifiye leh qoyaan-siin. Tani waxay ka caawisaa maqaarka inuu ka nadiifo wasakhda, dufanka iyo unugyada maqaarka dhintay.

Dadka leh maqaarka caadiga ah ama kuwa qalalan ayaa badanaa u baahan nadiifin hal mar maalintii, halka dadka maqaarkoodu dufanka badan yahay ay u baahan karaan laba jeer maalintii.

Sidoo kale, waa muhiim in maqaarka la dhaqo marka uu dhidido, gaar ahaan jimicsiga kadib.

Khubaradu waxay ku talinayaan in la isticmaalo nadiifiyeyaal ay ku jiraan fiitamiinnada A, C iyo E, kuwaas oo gacan ka geysta ilaalinta caafimaadka maqaarka iyo yaraynta waxyaabaha xanaaqa keena.

2. Isticmaal kareemka moisturizer-ka

Isticmaalka kareemka moisturizer-ka (qoyaanka leh) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah daryeelka maqaarka, wuxuu ka caawiya maqaarka inuu sii ahaado mid jilicsan, dabacsan isla markaana uu ilaashado qoyaankiisa dabiiciga ah.

Waxaa lagu talinayaa in kareemka moisturizer-ka la mariyo wejiga iyo jirka ugu yaraan hal mar maalintii. Dadka leh maqaar aad u qalalan ayaa laga yaabaa inay u baahdaan inay isticmaalaan subax iyo fiidba.

Marka la dooranayo moisturizer, waxaa wanaagsan in la isticmaalo noocyada lagu calaamadeeyay “non-comedogenic”, kuwaas oo aan xirin daloollada maqaarka isla markaana yareeya halista finan.

3. Xoq maqaarka dhintay ugu yaraan hal mar toddobaadkii

Xoqidda maqaarka (exfoliation) waxay ka saartaa unugyada maqaarka dhintay ee ku urura dusha sare, taas oo maqaarka ka dhigta mid siman oo ifaya.

Ragga ayaa si gaar ah uga faa’iideysta exfoliation-ka maadaama uu yareeyo timaha gudaha u baxa ee ka dhasha xiirashada. Waxaa lagu talinayaa in la sameeyo hal ilaa saddex jeer toddobaadkii, iyadoo laga fogaanayo xoqid xad-dhaaf ah oo keeni karta casaanyo iyo dhaawac maqaarka soo gaara.

4. Dawee finanka haddii ay jiraan

Dadka la tacaala finan joogto ah waxaa lagula talinayaa inay isticmaalaan badeecooyin ay ku jiraan maaddooyinka salicylic acid ama benzoyl peroxide, kuwaas oo caan ku ah la dagaallanka finanka iyo yaraynta caabuqa maqaarka.

Badeecooyinkan waxaa lagu bilaabi karaa hal mar maalintii, iyadoo loo kordhin karo laba jeer maalintii haddii loo baahdo. Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka xad-dhaafka ah wuxuu sababi karaa qallayl iyo dillaac maqaarka ah.

Ugu dambeyn

Khubarada daryeelka maqaarka ayaa ku talinaya in aan lagu degdegin isticmaalka badeecooyin badan hal mar. Halkii, waxaa wanaagsan in badeecooyinka si tartiib tartiib ah loo tijaabiyo si loo ogaado kuwa ugu habboon nooca maqaarka qofka. Joogtaynta nadiifinta, qoyaan-siinta iyo ilaalinta caafimaadka guud ee jirka ayaa ah furaha ugu weyn ee lagu heli karo maqaar caafimaad leh oo soo jiidasho leh.