Ganacsadaha maalqabeenka ah ee Elon Musk ayaa Arbacadii ku qanciyay garsoore in loo oggolaado dacwad ay dhegeysan doonto guddi xeerbeegti ah, taas oo ku saabsan eedeymahiisa ah in shirkadda OpenAI, oo ah sameeyaha ChatGPT, ay jebisay himiladii iyo ujeeddadii lagu aasaasay markii ay dib isu habeyn ku sameysay si ay u noqoto shirkad faa’iido doon ah.
Musk wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii OpenAI sannadkii 2015, balse wuxuu ka baxay shirkadda 2018, wuxuuna hadda maamulaa shirkad sirdoon macmal ah (AI) oo kula tartanta OpenAI.
Yvonne Gonzalez Rogers oo ah garsoore federaal Mareykan ah islamarkaana fadhigeedu yahay Oakland, California ayaa sheegtay dhageysi maxkamadeed inay jirto “caddeymo badan” oo muujinaya in hoggaamiyeyaasha OpenAI ay bixiyeen ballanqaadyo ah in qaab-dhismeedkii hore ee aan faa’iido-doonka ahayn (nonprofit) la sii ilaalin doono.
Garsooruhu waxay sheegtay in ay jiraan xaqiiqooyin ku filan oo la isku khilaafsan yahay, kuwaas oo sabab u ah in dacwadda loo gudbiyo guddi xeerbeegti ah si ay u qiimeeyaan, marka la gaaro maxkamadda loo qorsheeyay bisha Maarso, halkii ay iyadu go’aan kaligeed ka gaari lahayd. Waxay sidoo kale sheegtay in ay soo saari doonto amar qoraal ah kadib dhageysiga, kaas oo ka jawaabaya codsiga OpenAI ee ahaa in dacwadda gebi ahaanba la tuuro.
Dagaalka maxkamadeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro loollan ballaaran oo ku saabsan cidda hogaamin doonta suuqa sirdoonka macmalka ah ee wax-abuura (generative AI). Shirkadda xAI ee Musk iyo chatbot-keeda Grok ayaa kula tartamaya OpenAI iyo horumariyeyaal kale oo tiknoolajiyadeed.
Musk wuxuu raadinayaa magdhow lacageed oo aan la cayimin, kana yimaada waxa uu ku tilmaamay “faa’iidooyin si sharci-darro ah loo helay” oo ay OpenAI heshay.
OpenAI, bayaan ay soo saartay kadib dhageysiga, ayaa tiri: “Dacwadda uu Mr. Musk waday weli waa mid aan sal lahayn, waana qeyb ka mid ah dabeecaddiisa joogtada ah ee dhibaatayn, waxaana rajaynaynaa inaan tan si cad u muujinno marka maxkamaddu bilaabato.”
Shirkadda sirdoonka macmalka ah ee uu Musk aasaasay, xAI, isla markiiba kama aysan jawaabin codsi lagu waydiiyay faallo.
Steven Molo, oo ah qareenka hoggaaminaya dacwadda kana wakiil ah Musk iyo xAI, ayaa kadib dhageysiga sheegay in “aan rajaynayno inaan horteenna u soo bandhigno dhammaan caddeymaha muujinaya khaladaadka iyo xadgudubyada ay sameeyeen eedeysanayaasha, si ay u arkaan xeerbeegtida.”
Musk wuxuu ku doodayaa in uu ku deeqay ku dhowaad $38 milyan, oo u dhiganta qiyaastii 60% maalgelintii hore ee OpenAI, isla markaana uu bixiyay talooyin istiraatiiji ah iyo sumcad, isagoo ku saleynaya ballanqaadyo loo sameeyay oo ahaa in hay’addu sii ahaan doonto mid aan faa’iido-doon ahayn kana shaqeysa danta guud.
Dacwadda ayaa ku eedaynaysa aasaasayaasha OpenAI, Sam Altman iyo Greg Brockman, in ay qorsheeyeen u beddelashada shirkad faa’iido-doon ah si ay naftooda u taajiraan, taas oo ugu dambeyntii horseeday heshiisyo malaayiin doollar ah oo ay la galeen Microsoft iyo dib-u-habeyn dhawaan la sameeyay.
OpenAI, Altman iyo Brockman ayaa beeniyay eedeymahaas, waxayna ku tilmaameen Musk “tartanle ganacsi oo niyad-jabsan oo doonaya inuu gaabiyo horumarka hoggaamiye suuqeed oo ku shaqeeya himilo iyo ujeeddo cad.”
Microsoft, oo sidoo kale ka mid ah dhinacyada dacwadda lagu soo oogay, ayaa ku boorrisay Garsoore Gonzalez Rogers in ay iska tuurto eedeymaha uu Musk ka keenay. Qareen u hadlayay Microsoft ayaa sheegay in aanay jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in shirkaddu ay “kaalmaysay ama gacan siisay” OpenAI.
Microsoft isla markiiba kama aysan jawaabin codsi lagu waydiiyay faallo.
Qareennada OpenAI ee ka qaybgalay dhageysiga ayaa ka codsaday Gonzalez Rogers in ay xukun ka soo saarto dacwadda oo ka dhan ah Musk, iyagoo ku dooday in uusan soo bandhigin saldhig dhab ah oo xaqiiqooyin ku filan leh si loo sii wado eedeymahiisa, oo ay ka mid yihiin khiyaano iyo jebinta heshiis.
OpenAI sidoo kale waxay ku dooday in Musk uusan eedeymihiisa u keenin waqtigii loogu talagalay. Gonzalez Rogers waxay sheegtay in xeerbeegtida la weydiin doono inay qiimeeyaan in dacwadda la gudbiyay kadib muddadii sharci ahaan loo oggolaa.