Golaha wasiirrada oo maanta kulankoodii kaga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo lagaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim u ah xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarinta adeegyada dowliga ah.

Kulanka waxaa shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno faah-faahsan oo ay ka mid yihiin natiijooyinka iyo habsami-u-socodka imtixaanka qaranka ee dugsiyada dhexe iyo sare ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amniga guud ee dalka, dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, kuwaas oo muujinaya dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah iyo xasilloonida dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda iyo midowga, iyo sidoo kale warbixin ku saabsan hannaanka iskaashiga horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay booqashada madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Cirro, uu ku tagay magaalada Qudus oo ah dhul ay Falastiiniyiintu leeyihiin balse ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Waxay sheegeen in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso dastuurka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah, iyo mabaadi’da ku saleysan dhowrista madax-bannaanida dowladaha iyo xuquuqda bulshooyinka la dulmay.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa bogaadiyay dadaallada ay ciidamada amniga dalka ku xaqiijinayaan xasilloonida caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyagoo ka hortagay falal amni-darro ah oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadda iyo horumarka socda.

Ugu dambeyn, kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah magacaabista Maxamed Xasan Nuur oo loo doortay xubin ka mid ah guddiga madaxa-bannaan ee xuquuqul insaanka Soomaaliya, kadib habraac tartan furan ah oo lagu soo xulay, maadaama xubin hore uu xilka baneeyay.