Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay hoggaamiyaha KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin heer federaal iyo heer maamul goboleed, iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku nool magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Baydhabo waxay ku wajahan tahay kor u qaadidda adeegyada bulshada, xoojinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, dardargelinta dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha, iyo xoojinta dowladnimada.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulammo la yeesho hoggaanka KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta, iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa adkeynta amniga, hagaajinta iyo joogteynta adeegyada dowladnimo ee bulshada loo hayo, iyo dardargelinta hirgelinta doorashooyinka “qof iyo cod”.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Baydhabo

Si kastaba ha ahaatee, booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabad waarta, xasillooni siyaasadeed, iyo horumar dhaqaale oo la taaban karo.