Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa kulammo muhiim ah la yeeshay madaxda hay’adaha amniga ee Mareykanka intii uu ku guda jiray booqasho shaqo oo uu ku joogo dalkaas.
Kulamada oo ka dhacay magaalada Washington ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha CIA iyo FBI, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga sirdoonka, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xiriirka amni ee labada dal.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo wada shaqeynta dhinacyada xog-wadaagga iyo hawlgallada amniga, si looga hortago khataraha sii kordhaya ee kooxaha argagixisada.
Dhinaca kale, Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa booqday xarunta ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg ee gobolka North Carolina, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Korneyl Benander, oo ah taliyaha ciidamada gaarka ah, isla markaana hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya.
Kulankaasi ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca howlgallada gaarka ah iyo horumarinta awoodda ciidamada, iyadoo la is dhaafsaday khibrado la xiriira amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Agaasimaha ayaa sidoo kale muujiyay sida ay muhiim u tahay taageerada dowladda Mareykanka, isaga oo xusay in iskaashiga labada dhinac uu horseeday guulo muuqda oo laga gaaray howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, gaar ahaan bartilmaameedsiga hoggaamiyeyaasha sare.
Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka amni ee Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo gaaro xasillooni waarta iyo amni guud oo heer qaran iyo heer caalami ah.