Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu uga sii gudbay magaalada Narok, si uu kulan heer sare ah ula yeesho madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Kulanka labada madaxweyne ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah oo quseeya amniga, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo geeddi-socodka dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta iyo xasilinta dalka.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, wada-hadallada labada madaxweyne ayaa diiradda lagu saari doonnaa xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada amniga, la dagaalanka argagixisada, amniga xuduudaha iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha dowladda ee labada dal.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Waxaa sidoo kale la filayaa in kulanka lagu soo hadal qaado xaaladaha gobolka Geeska Afrika, caqabadaha amni ee taagan iyo fursadaha iskaashi ee lagu xoojin karo nabadda, xasilloonida iyo koboca dhaqaalaha gobolka.

Sidoo kale, kulanka labada dhinac ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu galay marxalad cusub oo ku dhisan iskaashi dhow iyo is-faham siyaasadeed, iyadoo labada dowladood ay sare u qaadeen wada-shaqeynta dhinacyada amniga, ganacsiga, isu-socodka dadka iyo maalgashiga.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Waxaa la filayaa in marka uu kulanku soo dhammaado ay labada madaxweyne faahfaahin ka bixiyaan waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo heshiisyada ama is-afgaradyada kasoo baxay.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, kaddib marka ay soo gabagabeeyaan kulamada ay ku leeyihiin madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya