Wareegii saddexaad shirkii maanta ee dowladda iyo mucaaradka oo natiijo la’aan kusoo idlaaday

Wareegii saddexaad shirkii maanta ee dowladda iyo mucaaradka oo natiijo la'aan kusoo idlaaday

Waxaa maanta xerada Xalane ee magaalada Muqdisho kusoo idlaaday wareegii saddexaad ee wadahadallada siyaasadeed ee u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo ay ku matalayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni.

Shirkan oo socday muddo kooban ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo dhinacyadu mar kale ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan muranka doorashooyinka iyo xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.

Shirkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka.

Qodobka ugu weyn ee muranka dhaliyay wadahadallada ayaa ahaa hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkeystay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka siyaasiyiinta mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshahaasi, iyagoo ku doodaya in aan weli la helin jawi siyaasadeed, amni iyo farsamo oo suuragelin kara qabashada doorashooyin toos ah oo dalka ka dhaca.

Xubnaha mucaaradka ayaa haatan qorsheynaya kulamo wadatashi ah iyo abaabul siyaasadeed oo cusub oo ay kaga jawaabayaan fashilka wadahadallada, iyadoo la filayo inay saacadaha soo socda faahfaahin ka bixiyaan sababihii keenay in shirku natiijo la’aan kusoo dhammaado.

Labada dhinac ma aysan shaacin wax ballan ah oo ku saabsan kulan kale oo dib la isugu soo laabanayo, waxaana weli aan la ogeyn in wada-hadalladu ay sii socon doonaan iyo in kale.

Dhinaca kale, wakiillada beesha caalamka oo si dhow ula socday wadahadallada labada dhinac ayaa la filayaa inay war kasoo saaraan natiijada shirarka iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa markale gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo aan weli la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonaan khilaafaadka ka taagan doorashooyinka iyo kala-guurka dowladeed.